Sawiro, Puntland, Jubbaland iyo Musharixiinta oo ka wadatashaday Xaalada Siyaasadeed ee Dalka

Kulan saaka dhex maray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi , Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Mudharixiinta ayay ugawada tashadeen Xaalada Siyaasadeed ee Dalka iyo qaabka loo wajahayo Wadahadalada la la sugayo inay dhacaan iyo sida kaga yeelayo, wax walba io soo kordha.

Kulanka ayaa diirada lagu daaray Xaalada Amaan ee Dalku wajahay, Doorashada iyo Abaaraha ka jira qaybo kamida Dalka.

Wali war cad kama soo bixin kulanka laakiin Sida Puntlandi.com ay xogta ku hayaan kulanka oo Madaxweyne Deni Dalbadey wuxuu ejeedkiisu ahaa in Labadaan Madaxweyne ay la tashadaan Mudharixiinta ayna dhagaystaan Mowqifkooda.

Warar waxaa jira sheegaya in lagawada hadlay Talaabada ay qaadayaan hadii lagu guul daraysto Shirka la filayo inuu dhex maro Villa Soomaaliya iyo Maamulada Dalka.

Hoos ka daawo Sawirada

<