Madaxweyne Deni Oo maanta shir deg deg ah isugu yeeray Mudharixiinta iyo Axmed Madoobe

Waxaa maanta Muqdisho ka dhacaya kulan balaaran oo ay isugu imaanayaan Musharixiinta Madaxwwynaha iyo Labada Madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland kulankaasoo lagu wado inuu ka dhaco Hotel ku yaal Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan Wafdiga Madaxweyne Deni ayaa Puntlandi.com u xaqiijiyey in kulanka looga wada tashanayo Xaalada Dalku ku sugan yahay iyo Arimaha Doorashada oo wali mugdi iyo rajo xumo ku jirto.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dalbadey in kulankaan in deg deg ah ay isugu yimaadaan Musharixiinta miisaanka culus, Puntland iyo Jubbaland.

Dhanka kale waxaa maanta la sugayaa inay Muqdisho soo gaaraan Labada Madaxweyne ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo mudo Sadex usbuuc ah nasasho ugu maqnaa Dalka Turkiga.

Puntlandi.com Muqdisho

<