Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Safiirka Jabuuti oo kulmay

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maalmahaan ahaa Nin aad u mushquul ah oo ay booqasho ugu imaanayeen Masuuliyiin kala duwan Magaalada Muqdisho, ayaa Xalay lakulmay Safiirka Jabuuti u jooga Soomaaliya Ambadmsador Aaden Xasan Aaden.

Labada Masuul ayaa ka wadahadlay Xaalada Dalku ku sugan tahay khaasatan Xiliga kala guurka.

Madaxweyne Madoobe ayaa Jabuuti uga mahadceliyey Garab istaga ay had iyo jeer garab istaagaan Shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka Jabuuti ayaa balan qaadey inuu ka qaybqaadan doono sidii Madaxda Soomaaliyeed ay miis isugu imaan lahaayeen si Doorasho loo dhan yahay ay Dalka uga dhacdo.

Puntlandi.com Muqdisho

<