Breaking News— Madaxweyne Farmaajo oo sharuudo ku xiray ka qaybgalka Shirka Muqdisho iyo Beesha Caalamka oo Dadaal wada

Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi,com heleen , Waxaa muran ka taagan yahay Shirka Wadatashiga Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee Arimaha Doorashada looga hadlayo.

Shirka waxaa soo abaabulay oo gacanta ku haya Beesha Caalamka, Laakiin Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Dalbatay in Shirka Abaabulkiisa iyo dejinta Ajandihiisa lagusoo wareejiyo iyaga,.

Villa Soomaaliya waxay aqbaleen in Shirka lagu qabto goobta loo asteeyay hada iyo iney Amaanka gacanta ku hayaan Amisom laakiin Villa Soomaaliya waxay dalbadeen in Socodsiinta Shirka iyo maamulidiisa ay iyagu gacanta ku hayaan,

Madaxweyne Farmaajo wuxuu doonayaa inuu isagu Shirka hogaamiyo Qodobada kaga wadahadlay iyo Qoritaanka Nuxurada kasoo baxa shirka, Wuxuu kaloo doonayaa in Beesha Caalamku ay banaanka ka joogaan Shirka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa arintaan diidey, kadib wadatashi dhex maray isaga iyo Musharixiinta, Beesha Caalamka ayaa hada wada Dadaal lagu xalinayo Muranka ka taagan qabsoomida Shirka, Waxay Beesha Caalamka ay dhankooda ku adkeysanayaan in aan waxba laga badalin Shirka qaabkiisii hore, oo ahaa in Beesha Caalamku ay goobjoog ka ahaato sgirka isla markaasna ay iyagu garwadeen ka ahaadaan.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa horay dhowr jeer hoosta ka xariiqay in Kulanka la la yeelanayo Madaxweyne Farmaajo uu ahaado mid ay goobjoog ka yihiin Xubno ka socda Musharixiinta ama Beesha Caalamka si loo ogaado waxwalba oo lagu heshiiyo cida burinaysa ama xagal daacinaysa in horay loo docdo.

Kulankii maanta dhexmaray Axmed Madoobe iyo Safiirka Jabuuti ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe uu ka dhawaajiyey hadal u dhow hadalkii Saciid Deni, wuxuuna sheegay ineysan macno samaneyn in loo kulmo sidii Hore oo kale, aysana ka aqbalayn Maxamed Cabdullaahi Farmaajo warwareejin iyo Wakhti lumus dambe.

Puntlandi.com

<