Xasan Sheikh iyo Shariif Sh Axmed oo tacsi ugu tagay Qoyska Marxuum Cali Mahdi

Madaxweynayaashii hore Xasan Sheikh Maxamuud iyo Shariif Sheikh Axmed ayaa tacsi Qaran ugu tagay Qoyska Alla ha u naxariistee Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed.

Labada Masuul ayaa Tacsida lawadaagay Qoyska iyagoo ka dhagaystay Qoyska qaabka iyo goobta lagu aadayo Marxuumka,

Madaxweynayaasha hore waxay tacsi Guud u direen Shacabka Soomaaliyeed, Qoyska Reer Mahdi Maxamed iyo Guud ahaan Ehelkiisii,

Waxay kadib si Wadajir ah ugu duceeyeen Marxuumka.

<