Muran ka taagan Aaska Madaxweynihii hore Cali Mahdi

Waxaa socda qabanqaabada Aaska Alla ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali mahdi Maxamed, Laakiin Waxaa muran ka taagan yahay Cida sugaysa Amaanka xiliga Aasku socdo.

Dowlada Federaalku waxay qorshaynaysaa in Amaanka ay sugaan Ciidamadeedu halka Siyaasiyiin badan ay walaac Arinkaas ka muujiyeen. Sababtoo ah waxaa meesha ka baxay Kalsoonida lagu qabo Ciidamada ka amarqaata Villa Soomaaliya.

Siyaasiyiin ku sugan Muqdisho ayaa soo jeediyay in Ciidamada Dowladu ay sugaan Amaanka laakiin Ciidamadaas inaysan noqon kuwa khaaska ah er sida tooska ah uga Amarqaata Villa Soomaaliya,

Ciidamada Dowlada Federaalka ayaa kalsoonidii ay shacabku ku qabeen ay lumiyeen kadib markii la ogaadey in Ciidamada badankooda ay sitoosa uga Amar qaataan Villa Soomaaliya iyo Saraakiil khaasa, waxaana Ciidamadaan lagu eedeeyay oo kale iney yihiin kuwo Maskaxda laga dhaqay oo laga dhaadhiciyey in Madaxweyne Farmaajo mooyee Siyaasiyiinta kale ay Yihiin Cadowga jiritaanka Dowladnimada Soomaaliya ayna lamid yihiin Al-shabaab.

Puntlandi.com Muqdisho

<