Mdx. Axmed Madoobe oo Caalamka ka dalbadey in Gargaar lagaardiiyo Gobolka Gedo

Kulan Magaalada Muqdisho ku dhex maray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Safiirka Maraykanka Ambasador Donald Yamamoto ayaa looga wadahadlay Xaalada Siyaasadeed ee Dalka,Mowqifka Jubbaland iyo Doorka Musharixiintu ku yeelanayaan ayaa latalinta Arimaha Doorashada.

Madaxweynuhu tan iyo intuu Muqdisho yimid wuxuu kulamo wadatashi ah la qaadanayaa Xubno ka docda Beesha Caalamka iyo Mudharixiinta.

Sida ay Howlwadeenada Puntlandi.com ay Xogta ku hayaan Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu Bersha Caalamka oo Maraykanka iyo Qaramada Midoobay u horeeyaan uu ka codsadey in Gargaar Degdeg ah la gaarsiiyo Gobolka Gedo, Wuxuuna Xukuumada ku eedeeyay inay Go’doomiyeen Gobolka ayna hor istaageen Kaalmadii Jubbaland gaarsiin lahayd.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu sigaara Maraykanka uga dalbadey in ay kala shaqeeyaan sidii Gobolka Gargaar loo gaarsiin lahaa maadaama ay ka jiraan Abaaro sababay Biyo iyo cuno la’aan Bini’aadamka iyo Duunyadaba.

Maanta ayaa lagu wadaa inuu Madaxweyne Axmed Madoobe uu ka hadlo Xaalada Abaaraha Ka jira Deegaanada Jubbaland.

Puntlandi.com Muqdisho

<