Qaxootiga Ka imaanaya Yemen oo kusoo qulqulaya Puntland

Shalay waxaa Bosaso soo gaaray ku dhowaad 75 Qof oo Qaxooti ka yimid Dalka Yemen, Laba Todobaad ka hor tiro wax yar ka yar intaas ayaa Bosaso lagu qaabilay.

Qaxootiga Ka imaanaya Yemen ayaa kasoo waxay Dagaalada Sokeeye ee ka Socda halkaas, Mana jirto Qorshe cad oo ay Dowlada Puntland u samaysay Qaxootigaan.

Bosaso waxaa horay ugu sugnaa kumayaal Qaxootiga oo ka yimid Yemen iyo Itoobiya, waxaa intaas usii dheer Soomaalidii ku noolayn Dalka Yemen intooda badan waxay Dib u dejin ka heleen Bosaso.

Maamulka Gobolka ayaa hada baaq u diray Hay’adaha Caalamagi ah si looga caawiyo dib u dejinta Qaxootiga kasoo qulqulaya Dalka Yemen.

Puntlandi.com Bosaso

<