Kulankii Caawa Axmed Madoobe iyo James Swan”Hadii Shirka ladoonayo inuu guulaysto waa in markhaatiyaal joogaan”

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa caawa fiidkii booqasho ugu yimid James Swan, Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Siyaasada Soomaaliya, James Swan wuxuu kaloo hada yahay Hogaamiyaha kulanka dhexmaraya Madaxda Soomaaliya oo uu Muqdisho isugu keenayo Beri oo Arbaco ah.

Howlwadeenada Puntlandi.com oo Xog ka helay kulanka Caawa dhex maray Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Ambasador James Swan, waxaa laga wadahadlay kulanka u furmaya Madaxda Soomaaliya, Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu caawa mar kale eedeeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu ku eedeeyey inuusan diyaar u ahayn in wax heshiis ah la gaaro, waxaa Hadaladii Madaxweyne Axmed Madoobe kamid ahaa oo uu ka dhawaajiyey sida ay Muhiimka u tahay in Koox Sadexaad ay goob joog ahaato si loo ogaado qaabka loowadahadlayo iyo waxyaabaha lagu heshiiyo, Wuxuuna hoosta ka xariiqay in qaabkaan oo qura uu Shirku ku mira dhacayo.

Hadalka Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu cadeynayaa in isaga iyo Saciid Cabdullaahi Deni aysan wax kalsooni ah ku qabin Madaxweynaha Xilku ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirka u furmaya Madaxda Soomaaliya waxaa la filayaa inay goob joog ka ahaanayaan Xubno ka socda Beesha Caalamka.

Puntlandi.com Muqdisho

<