Shir jaraa’id Madaxweyne Deni “ Puntland waan ka sifaynaynaa Cadowga”

Madaxweynaha Dowlada Puntland isla markaasna ah Amaanduulaha Ciidanka ayaa Shir jaraa’id oo uu qabtay maanta wuxuu uga hadlay howlgalada Ciidanku ka wadaan Gobolka Bari.

Madaxweynuhu wuxuu dheegay in lagu guulaystay Howlgalkii shalay oo Jamce ahayd ay Ciidanku ku ugaarsanayeen Maleeshiyaadka Al-dhabaab ee soo weeraray Xabsiga Bosaso.

Madaxweynuhu wuxuu sheegey in Ciidanku ay gaareen Goobahay deganaayeen Cadowgu, halkaasna wax la dilay iyo wax lasoo qabtay ay ka dhigeen, Wuxuu kaloo yiri Madaxweyne Deni..

  • Howlgalku wuu sii soconyaa ilaa lagasoo ciribtiro Cadowga Umada Soomaaliyeed ee inaku dhex jira, Ciidanku maanta howlgal kale ayay ku guda jiraan, waana gaarayaa ilaa meesha u dambeysa ee ay ku dhuumanayo.

Habeynkii Jamcada soo galaysay ayaa Maleeshiyo hubaysan waxay soo weerareen Xabsiga Bosaso halkasoo ay kala baxeen Maxaabiis u xirayd falal Argagixiso iyo inay ka tirsan yihiin Ururada Argagixisada, Ciidamada Amaanka Puntland ayaa isla shalay howlgalo ka sameeyay Buuraha Gobolka Beri halkaasoo ay uga daba tageen kooxdii weeraray Xabsiga, Sida Ciidanku ay shalay sheegeen waxaa lasoo qabtay ugu yaraan 26 Maxbuus tiro kalena waxaa lagu dilay Howlgalka.

Puntlandi.com Bosaso

<