Mucaaradka ayaa sheegay in Raysal wasaaruhu uusan ahayn Nin Go’aan gaari kara

Shirkii Xalay u socdey Musharixiinta iyo Raysal wasaaraha KMG ah oo socdey mudo ku dhow 7 saacadood ayaa natiijo la’aan kusoo dhamaaday.

Mahad Salaad iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Raysal wasaaraha ku eedeeyay in Marwalbo oo la gaarayay xiligii go’aan la qaadan lahaa uu Wadatashi la samaynayay Dad aan Shirka joojin kuwasoo udoo yeerinayay Raysal wasaaraha Go’aanka uu qaadanayo.

Hadalka Labadaan Masuul waxaa laga dhadhansanauay in Uu Madaxweyne Farmaajo uu Raysal wasaaraha eamuut ku hagayoøay tasoo keentay in Shirku uu sii socon waayo.

Sida ay Puntlandi.com ay xogta ku hayaan Raysal wasaaruhu bilowgii Shirka aad ayuu ugu dhaga nuglaa in Qodobada lagu heshiiyo laakiin Xalay saqdii Dhexe ayaa lagasoo wacay Villa Soomaaliya, wucitaankassoo badalay mowqifkii Raysal wasaaraha,

Murankaan cusub wuxuu sii xoojinayaa Mudaharaadka la filayo inuu dhaco Beri oo sabti ah.

Sida Puntlandi.com ay xogta ku hayaan, Midowga Musharixiinta ayaa maanta oo Jamce ah waxay qabanayaan Shir jaraa’id oo ay uga hadlayaan Natiijada Shirkii Xalay.

Puntlandi.com Muqdisho

<