Ciidamada Amaanka Bosaso oo soo afjaray kooxo hubaysan oo weeraray Xabsiga Weyn ee Magaalada

Taliyaha Bileyska Gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud ayaa faahfaahiyay weerarkii Xalay lagu qaadey Xabsiga weyn ee Magaalada.

Taliyuhu io xiligabuu Shirka jaraa’id qabanayay ku sugnaa Xabsiga la weeraray ayaa sheegay in Kooxo hubaysan ay sigaadmobah kusoo weerareen Xabsiga laakiin Ciidanku ka hortageen.

Taliyuhu wuxuu sheegay inaysan usuuragalin Maleeshiyada inay ku guulaystaan weerarka, hal Askari oo Ciudamada kamid ah ayaa geeriyoodey halka laba dhawacantay.

Kooxda Weerarka soo qaadey Way ka baxsadeen Ciidamada, lamana dhaacin khasaaraha iyaga la gaarsiiyey, Laakiin taliyihu wuxuu sheegay in Faahfaahin dheeraada ay Shacabka la wadaagayaan Maanta galinka dambe.

Puntlandi.com Bosaso

<