Rooble oo si buuxda u aqbalay Mudaharaadkii ka dhanka ahaa Farmaajo, Warsaxaafadeed

Raysal wasaaraha KMG Maxamed Rooble ayaa fuliyay qodobkii u horeeyey Heshiiskii uu la galay Murashixiinta, Kasoo ahaa inuu aqbalo Mudaharaadka loogasoo horjeedo Madaxweynohooda Wakhtigu ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulankii maanta waxay Gudigii ka socdey Xukuumada ay soo jeediyeen in Mudaharaadka laga badalo Daljirka Dahsoon Laguna qabto Garoonka Kubada Cagta Studio Koonis balse Mucaaradku waxay ku adkeysteen in lagu qabto Daljirka, aakhirkiina Xukuumadu Way aqbashay.

Warqad kasoo Baxdey Xukuumada KMG ah ayaa lagu cadeeyay in la qabanayo Mudaharaadka.

waatan warqadii

<