Xukuumada oo laba waji la ciyaaraysa Mucaaradka

Shalay Raysal wasaaraha Xilka sii hayaa wuxuuna kulmay Mudharixiinta si looga dhameeyo Heshiiskii todobaadkii hore lagu gaaray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Hedhiiskaasoo lasoo wada dhaweeyey.

Raysal wasaaruhu wuxuu kulankaas uu hoosta ka xariiqay in Uu ka shaqaynayo sidii loo xalinlahaa waxyaabaha hortaagan Doorashada laakiin dhinaca kalena Gudigii Doorashada ee lagu muran sanaa ayaa maalinba soo saaraya Warsaxaafadeed, Maanta Warsaxaafadeed ay soo saareen ayay ku dheegeen in Ay soo dhaweynayaan Heshiiskii Todobaadkii hore isla markaasna ah ku dadaalayaan inay si habsami leh usii wadaan Howlaha Doorashada.

Gudigaan waa qayb ka mida Waxyaabaha hortaagan in la gudugalo Heshiiskii Doorashada ee 17 Sebtembar, Mucaaradka, Puntland iyo Jubbaland waxay Gudigaan uvariable mid sharci dato ah oo ay ka buuxaan Xubno ka shaqeeya Xafiiska Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey iyo Ciidamada Nabad sugida.

Wali arintaan lagama heshiin, Sidaas awgeed Siyaasiyiin badan ayaa u arka in Xukuumadu ay cadeyso mowqifkeeda Gudigaan, Hadii sheshiiskii Todobaadkii hore uu daacad ka yahay Raysal wasaaruhu.

Puntlandi.com Muqdisho

<