Mucaaradka oo kasoo horjeestay In Safiirka Cusub ee UK uu Waraaqaha Aqoonsiga gudbiyo Madaxweyne Farmaajo

Qaar kamida Mucaaradka ayaa ka horyimid in Safiirka Cusub ee Ingiriiska u fadhiyi doona Soomaaliya Ms Kate Foster ay waraaqeheeda safiirnimo u gudbiso Madaxweyne Farmaajo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa nasiib daro ku tilmaamay in Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaadey uu Wali Dharciga ku xadgudbay, waxaa iyana sharci jabin ah in Safiirada Ingiriisku ay waraaqeheeda Aqoonsiga u gudbiso Madaxweyne Wakhtigiisu dhamaadey, wuxuu yiri sidaan hoose.

  • “Waxay noqon doontaa jebin sharci & qalad siyaasadeed haddii safiirka cusub ee (UKinSomalia) ee Soomaaliya ay u soo bandhigto warqaddeeda aqoonsiga oo ay u dhiibto Farmaajo oo waqtigiisu ku ekaa 8dii Febraayo.”.

Safiirka Cusub ee Ingiriiska ayaa lasoo magacaabay Bishii Janaayo, waxayna Xafiiska la wareegtay Bidhii Feberaayo.

Puntlandi.com Muqdisho

<