
Shalay waxay Mucaaradku ay heshiis la galeen Raysal wasaaraha KMG , Hrdhiidkaasoo fure u ah waxayaabihii ay tabanayeen Mucaaradka, Puntland iyo Jubbaland.
Hadaba Dhankooda waxaa soo dhaweeyey Heshiiska Puntland iyo Jubbaland iyagoo dheegay inay rajaynayaan in Heshiisku uu fure u noqdo wadadaan u xaaro qaabkii Dalka Doorasho Xor ah oo nabadgalyo leh ay uga dhici lahayd.
Waxay kaloo kula taliyeen Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey inuu qaybtiisa ka qaato isagoo ka fogaanaya waxwalba oo dib u dhac keeni kara.
Labada Maamul waxay aad usoo dhaweeyeen Kaalinta uu qaatay Raysal wasaaruhu waxayna u mahad celiyeen Dadkii isku taxalujiyay Is afgaradkaan inuu dhaco uuna ku dhamaado Guul.
Puntlandi.com Garowe
