Xasan Cali Kheyre oo diiday ka qaybgalka Shirka u socda Siyaasiyiinta Beesha Hawiye

Qoorqoor, Rooble, Mahad Salaad, Cc, Shariif, Geele, Xasan Sheikh iyo Cabdi qaybdiid ayaa shir uga socdaa Garoonka Diyaaradaha meel u dhow.

Sida Puntlandi.com Xogta ku hayaan waxaa Shirka ka maqan oo diiday inuu kasoo qaybgalo Xasan Cali Kheyre oo saluugsan in lala shiro xiligaan Xukuumada Wakhtigeedu dhamaadey.

Kulanku si habsimi ah ayuu u socdaa waxaana laga filayaa inay kasoo baxaan Qodobo horay loogu sii socdo si Dalka ay uga dhacdo Doorasho nabad iyo Cadaalad ah.

Puntlandi.com Muqdisho

<