Beesha Caalamka garowsaday in Madaxweyne Farmaajo uu la siman yahay Musharixiinta

Beesha Caalamka ee kukala dhex jira Saamilayda Siyaasada ayaa tan iyo dhalay u muuqda inay garowsadeen in Madaxweyne Farmaajo uu Wakhtigiisii dhamaadey, waxayna bilaabeen inay Arimaha Doorashada kala xaajoodaan Raysal wasaaraha.

Kulan shalay dhex maray Raysal wasaaraha iyo Beesha Caalamka ayaa Beesha Caalamku ay Raysal wasaaraha ku adkeeyeen in la joogo xiligii uu kaalintiisa muujin lahaa.

Ilo Dublamaasiyadeed ayaa Puntlandi.com u sheegay in Beesha Caalamku ay Raysal wasaaraha u sheegeen in ay Arimaha Doorashada kala xaajoonayaa isaga oo qura dhinaca Xukuumada, taas waxaa lagu macneeyey in Wakhtigii Farmaajo uu dhamaadey oo uu hada yahay mid kamida Mudharixiinta.

Wajiga cusub ee Beesha Caalamku ay muujiyeen wuxuu soo dhaweynayaa Puntland iyo Jubbaland oo dhowr jeer isku dayay in Beesha Caalamku ay garowsadaan inuusan Madaxweyne Farmaajo ahayn Madaxweynaha Dalka Dastuuriyan.

Su’aashuse, Raysal wasaare Rooble Kaligii ma gaari karaa go’aamo masiiri ah isagoon dib ugu laaban Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey.

<