Muxuu yahay Heshiiska 17 Sebtembar ee Doorashada, Heshiiska ku Magac dheer “Heshiiskii Deni”

Bishii Sebtembar 17 keedii waxaa Dowlada Federaalka Iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ay wadagaareen Heshiis Doorasho oo Rasmi ah, Hrshiiskaasoo lagu naanausi “Heshiiskii Deni” Heshiiskaas aad ayaa loosoo dhaweeyey, waana Heshiiska ay Maalmahaan Beesha Caalamka dhamaantood ay isku raacsan yihiin in la hirgaliyo.

Hadaba Heshiiskaas muxuu ka kooban yahay, maxaase hortaagan,

Heshiisku wuxuu ka kooban yahay 15 Qodob waana sidaan

Qodobada heshiiska oo buxa ayaa sidan u qoran: 

  1. In Dowladda Federaalka ay magacawdo Guddi Doorasho oo heer Federaal ah kaas oo kaashanaya Guddi Doorasho oo heer Dowlad Goboleed ah. 
  2. In deegaan doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka laga asteeyo labo magaalo oo ah caasimadaha Gobollada oo ku dhisan yahay Dowlad Goboleed kasta. 
  3. In tirada ergada Xildhibaan walba u codeynaysa ay noqoto 101 ergo oo mataleysa beesha wadaagta kursigaas. 
  4. In xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka. 
  5. In qoondada haweenka ee 30% ah la ilaaliyo. 
  6. In Baarlamaanka heer Dowlad Goboleed ay soo doortaan Xildhibaannada Aqalka Sare. 
  7. In Xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliland ay soo doorataan ergo matasha oo wada jir ah. 
  8. In doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Soomaaliland ay ka dhacdo magaalada Muqdisho. 
  9. Qorshaha doorashooyinka dalka waxa uu bilaabanayaa 1-da Nofeembar 2020. 
  10. In sugidda amniga doorashooyinka ay ka wada shaqeeyaan hay’daha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. 
  11. Heshiiskan siyaasadeed waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaa. 
  12. Madaxdu waxa ay adkaynayaan in xorriyadda hadalku ay tahay lama taabtaan sida ku cad Dastuurka KMG ah iyo Xeerka Saxaafadda ee dalka, sidaa darteed, waa in warbaahinta fursad loo siiyaa in ay si xor ah u tabiso goobaha ay codbixintu ka dhacayso, lagana fogaado wax walba oo ka hor istaagi kara gudashada masuuliyadda kaga aaddan doorashada. 
  13. Shirku waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxda iyo bulshada Dowladda Galmudug sida ay u martigeliyeen shirarkii taariikhiga ahaa ee Samareeb 1-3. Sidoo kale, waxaa ammaan mudan shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir sidii diirranayd ee ay usoo dhaweeyeen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo wufuuddii la socotay. 
  14. Waxaan bogaadinaynaa Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaaminta kudhisan isku haynta dalka ee uu muujiyay muddadii ay wadahadalladu socdeen, isaga oo xoogga saaray in wadajir iyo wada-ogol lagu dhammeeyo arrimaha doorashooyinka dalka.
  15. Ugu dambeyntii, Shirku waxa uu ku bogaadinaayaa Beesha Caalamka kaalinta muuqata ee ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya.

Muranka u horeeya Heshiiskaan wuxuu ka dhashay Qodobka kowaad oo ah Gudiga Doorashada ee Xukuumada Federaalku soo magacaabayso.

Xukuumada hada xilkeedu dhamaadey waxay soo Magacawday Gudigii Doorashada iyadoo ka amba qaadeysa hirgalinta Hrshiiska, Laakiin Gudiga lasoo Magacaabay waxaa ka qayliyay Dhamaan Saamilaudii Siyaasada oo ay u horeeyey Murashixiinta u tartamaya Madaxweynanimada,Jubbaland iyo Puntland waxay Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyeen in uu Gudiga kalabar kasoo dhigay Shaqaalaha Xafiiskiisa iyo Ciidamada Sirdoonka , sidaas awgeed aysan noqon karin Gudi Doorasho oo dhexdhexaad ah, Qodobkaan waakan Muranka xoogan dhaliyay ilaa hadana lama xalin.

Qodobada kale ee la isku hayo waxaa kamid ah Qodobka 3 iyo Qodobka 4 labadaan Qodob Muranka ka dhashay waxaa loogu yeeraya (Khilaafka Gedo) wuxuuna sigaara uga dhexeeyaa khilaafkaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Axmed Madoobe, waana Khilaafka hortaagan in Dalka Doorasho ama Heshiis Doorasho uu ka dhaco, Madaxweyne Farmaajo wuxuu soo istaagay in Xukuumadiisu ay soo xulayso Ergada Gobolka Gedo, Halka Axmed Madoobe uu soo istaagay Sida Dastuurku qabo Jubbaland ayaa Masuul ka ah Ergada Deegaanada Jubbaland , Qodobka Afraad ee Heshiiska 17 sebtembarna sidaas ayaa ku cad, kuma Qora heshiiska in Ergada Gobolka Gedo ay maamulaan Villa Soomaaliya, Sidaan ayuu u qoranyahay Qodobka 4aad ee Heshiiska Deni 17 Sebtembar.

  • 4-In xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka. 

Waxaa xusid mudan in ka hor intaan la qorin Warmurtiyeedka iyo Qodobada Heshiiska 17 Sebtembar in heshiis hoosaad laga gaaray Khilaafka Gobolka Gedo, Laakiin Heshiiskaas Oktobar ayuu burburay ,Axmed Madoobe wuxuu ku eedeeyay Farmaajo inuu ka laabtay Heshiiskaas.

Dhuusamareeb ayaa mar kale la isugu tagay si loo dhameeyo Muranka ka dhashay Heshiiska 17 Sebtembar (Heshiiskii Deni) Laakiin nasiib daro Waxaa haba yaraatee aan wax heshiis ah laga gaarin Murankii Gobolka Gedo.

Shirkii u dambeeyay ee lagusoo kala taget Dhuusamareeb iyadoon wax heshiis ah laga gaarin qodobadaas ayaa Madaxweynaha KMG Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu Baarlamaanka Federaalka u sheegay in Jubbaland iyo Puntland hortaagan yihiin hirgalinta Heshiiska, balse uu isagu diyaar u yahay taabagalinta Heshiiska.

Wali Muranku sidii ayuu u taagan yahay, Madaxweyne Hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu diiday dhowr heshiis oo lagu xalinayay Khilaafka Gobolka Gedo,

Gudiga Doorashada isna khilaafkaas wali waa taagan yahay oo lagama saarin Xubnihii ay ka biya diideen Saamilayda Siyaasadu.

Puntlandi.com Garowe

<