
Kulankii maanta dhex maray Madaxweynaha Maanta ay Soomaalidu aadka u hadal hayaan Saciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdigii ka socdey Midowga Yurub ayaa ahaa mid wadahadalkiisu uu ka duwanaa Kulamadii horey labada dhinac u wada yeelan jireen.
Warbaahinta Puntlandi.com oo Xuuraansi badan ka dib helay Xog yar , Madaxweyne Deni wuxuu si kulul ula hadlay Xubnaha Ka socda Midowga Yurub, isagoo xasuusiyay inuu marar hore ka digay In Xukuumada Federaalku aysan diyaar u ahayn Doorasho sidaas awgeed ay lagama maarmaan ahayd in la helo gacan Sadexaad oo damaanad qaada hirgalinta Heshiisyada.
Madaxweyne Deni wuxuu sicad u cadeeyay inuusan miis lasoo fariisanayn Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey Hadii aan la fulin laba arimood midkood.
- In Beesha Caalamku goobjoog yihiin oo ay markhaati ka noqdaan ayna damaanad qaadayaan socodsiinta Go’aamada kasoo baxa kulamadaas,
- In la isuguyimaado kulan ay kasoo qayb galaan Saamilayda Siyaasada Xubno matalaya.
Kulanku wuxuu ku dhamaadey is afgarad Laakiin lama shaacin waxyaabaha rasmiga ah ee kasoo baxay.
Puntlandi.com Garowe
