Dhamaan Wadahadaladii Doorashada Way burbureen

Kadib Khudbadii uu jeediyey Xalay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxaa gabi ahaan burburay Wadahadaladii Doorashada, Dalkuna wuxuu wajahay waji cusub.

19 bishaan Feberaayo ayaa Warbaahinta Puntlandi.com oo helay Xog ku saabsan Waxyaabaha Madaxweyne Deni iftiimayay ( Halkaan Riix si aad u akhristo xogtaas ) Waxaan sheegnay in hakad lagaliyey dhamaan Wadahadaladii Doorashada.

Madaxweyne Deni wuxuu hakiyay hada dhamaan kulamadii uu la yeelan lahaa Madaxweynaha Walhtigiisu dhamaadey.

Kadib Khidbadiisii Xalay waxaa saaka oo Isniin ah Dalka ka bilowday walwal cusub oo laga fakarayo sida loo wajihi doono Xaaladaha isku murugsan.

Murashixiinta Madaxweynaha ayaa maanta yeelanaya Kulan degdeg ah, Arimahaan uu Madaxweyne Deni daaha ka qaaday waxay ku soo aadayaan iyadoo maanta uu Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay ka dhitøryaan Arimaha Soomaaliya iyo Wakhti u kordhinta Howlgalka Amisom.

Puntlandi.com Garowe

<