Turshish Airline, Qatar Airways Ethopian Airline iyo Nairobi oo kansalay Duulimaadkii Muqdisho

Inkastoo wali uu xiran yahay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho hadana Shirkadaha isticmaala Garoonka ayaa inta badan ay baahiyeen inay baajiyeen Duulimaadyadoodii Muqdisho ee Balantu ahayd inay soo degaan Beri subax.

Halkaan hoose ka akhriso Duulimaadyada Ilaalaa hada la shaaciyey baaqashadooda, Sida ay Puntlandi.com ka soo xigteen Saraakiisha Aaden Cade International

  • Duulimaadkii ka imaan lahaa Nairobi Sabtida 10:00 wuu baaqdey Flight nr.XU 828
  • Duulimaadkii Tirkidh Airline ee Jabuuti ka imaan lahaa wuu baaqdey Flght nr. TK 687
  • Duulimaadkii Ethopian Airline ee Adis Ababa ka imaan lahaa 12.25 wuu baaqdey Flight nr. ET 377
  • Duulimaadkii Qatar Airways ee ka imaanlahayd Doha soona marilahayd Jabuuti wuu baaqdey Flight nr.
  • Duulimaadkii Ethopian Airline ee Flight nr ET 379 ee imaanlahaa galabnimada wuu baaqdey.

Diyaaradahaan ayaa u baaqdey Rabshadihii maanta ka dhacay Muqdisho.

wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com

Puntlandi.com

<