Qaramada Midoobay “ Waxaan ka walaacsanahay Xaalada Muqdisho oo Xalay iyo saaka Rasaas ka dhacayso

Xafiiska Qaramada Midoobay ay ku leeyihiin Muqdisho ayaa Qoraal deg deg ah ku sheegay inay aad uga walwal sanyihiin Amaanka Caasimada oo Xalay iyo maanta oo Jamce ah uu iska hor imaad hubaysan uu ka socdo.

Qoraalka Qaramada Midoobay ayaa u qoraa sidaan..,

  • 2UN Qaramada Midoobay Xafiiska Soomaaliya wuxuu aad uga walaacsan yahay iska horimaadyada hubeysan ee ka socda Mogadishu habeenimadii Xalay iyo subaxnimadii Jimcaha, wuxuu ugu baaqayaa Dhinacyada deganaan iyo is xakameyn, dhinacyada ay khuseyso oo dhan wuxuu ku boorinayaa in Wadooyinka la firo, lana ilaaliyo isu socodka si gacan looga geysto yareynta xiisadaha.

Xalay ayaa Ciidamada Dowlada Federaalku waxay weerar ku qaadeen Nawaaxiga Daljirka Dahsoon iyo Hotel ay degan yihiin Musharixiinta qaarkood, Rasaas ayaana saqdii Dhexe la maqlayay.

Saaka barqadii oo Shacabku ay bilaabeen iney lug ku aadaan Daljirka Dahsoon ayaa waxaa bilowdey marwalba Rasaasta, ilaa hada meelo badan ayaa Rasaas goos goos ah ka fhacaysaa.

Garoonka Diyaaradaha Aaden Cade deg deg ayaa loo xiray kadib markii Hoobiye kusoo dhacay daafaha Garoonka.

Puntlandi.com Muqdisho Online Editor

<