Breaking News— Wararkii ugu danbeeyey, Madaafiic lagu tuuray Garoonka Diyaaradaha, Musharixiin la joojiyey

Xaalada Magaalada Muqdisho ma fiicna Saaka oo Jamce ah, Dowladu waxay muujisay inay Doonayso inay gacan bir ah ku xakameeyaan Banaanbaxa.

Wariye badaxbanaan oo Warbaahinta Puntlandi.com la shaqaynaya maanta, ayaa sidaan soo diray…

Dhamaan Duulimaadyadii Garoonka Diyaaradaha waa la joojiyey, Lama oga meesha loo leexiyey Diyaaradihii soo dagi lahaa ee Hawada kusoo jiray, Laakiin Garoonku Lamana duuli karo lamana soo degi karo.

Madaafiic ayaa dhanka Garoonka loosoo riday , khasaare ilaa hada ma jiro, laakiin waxaa la arkayaa Ururada goobo ddbqabsadey.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Kheyre waxaa loo diiday inay Nr4 dhafaan, Ciidan xoogan ayay Dowladu dhigtay Nr.4 , Labadaan Musharax oo kasoo lugeryey Hazeera Hotel ayaa goortay kusoo dhawaayeen KM 4 waxay la kulmeen Ciidanka Dowlada, Ciidanka ayaa durba bilaabay Inay Xabado noocyo culus ku jiraan ay dul mariyaan Musharixiinta, Waana lagu kala yaacay halkaas.

Labadii Musharax hada waxay ku xaniban yihiin meel u dhow Isgoyska Km 4.

Balantu waxay ahayd in la isugu yimaado Daljirka Dahsoon laakiin Sida muuqata Wadooyinkii oo dhan Ciidan ayaa jooga oo Way adagtahay in lasoo dhaafo.

Daljirka Dahsoon

Goobta lagu balan San yahay ee Daljirka Dahsoon waxaa kor kaga gadaamay Ciidamada Dowlada oo waxay is hortageen Dadkii soo galilahaa, Warar waxaa jira sheegaya in Ciidamo kale oo Musharixiinta Taageersan ay goordhow kusoo wajahan yihiin Daljirka Dahsoon laakiin waxaa la isweydiinayaa sida ay kusoo dhaafayaan Ciidamada Dowlada .

Xaalada Magaalada Guud ahaan ma waji wanaagsana meel walba Ciidan iyo Dad lugaynaya ayaa is hortaagan, Xukuumada waxaa ka go’an inay awood u adeegsato joojinta Banaanbaxa, Musharixiintana waxaa ka go’an inay Salaada Jamce ka dib. Ay bilaabaan Mudaharaadkooda.

Puntlandi.com Muqdisho

<