War Deg Deg Ah-/ Ciidamada Madaxtooyada oo qabsadey Hotel ay degi lahaayeen Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Hotel SYL oo ay Xalay ay carbiunteen Raysal wasaarihii hore Xasan Cali Khayre iyo Wasiirkii Qorsheynta ee hore Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa saaka la wareegay Ciidamada Madaxa Cas ee Ilaalada Villa Soomaaliya,

Warar lagasoo xigtay Maamulka Hotelka Waxay sheegeen in Ciidamada Ilaalada Madaxweyneha Xilkiisu dhamaadey ay Xoog kusoo galeen Hotelka, waxayna ku wargaliyeen Maamulka Hotelka in Rag Qaswadayaal ah ay degayaan Hotelka tasoo Ciidamadu ka hortagayaan.

Falkaan ayaa wuxuu khatar ku yahay Amaanka Magaalada sida ay qabaan Siyaasiyiin badan.

Puntlandi.com Muqdisho

<