Gudiga Xasilinta shilin Soomaaliga ee Puntland oo booqday Bosaso

Gudiga ay Xukuumada Puntland u saartay waxka qabashada Sare u kaca lacagta ayaa booqasho waxay ku joogaan Magaalada Bosaso halkaasoo ay kula kulmeen Ganacsatada iyo Masuuliyiinta Gobolka.

Gudiga ayaa u kuur galay halka uu marayo Barnaamijkii ay u dajiyeen in wax looga qabto isbadalka lacagta iyo Socodsiinta Lacag Soomaaliga.

Gudigu waxay sheegeen in ilaa hada ay waxbu socdaan qaabkii loo fariisiyay lacagta, waxayna u muuqataa in guul laga gaaray.

Warar waxaa jira sheegaya in Dowlada Puntland ay kharash badan ku bixisay sidii loo xalin lahaa murankii ka taagnaa qaadashada shilin Soomaaliga, ujeedkuna wuxuu ahaa in La adkeeyo heerka sarifka lacag Soomaaliga iyo Dollarka.

<