Breaking News— Madaxeeynaha Xilku ka dhamaadey oo durba buriyey Heshiiskii Baydhabo, iyo Madaxweyne Deni oo baaqdey

Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa ka baaqday safarkii uu ku imaan lahaa Muqdisho inkastoo wali Wadahadal ka socdo Arimo dhowra oo sababay inuu ka baaqdo Muqdisho.

Dhanka kalena Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey Ee Xukuumada Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxka badalay Heshiiskii Baydhabo tasoo keentay Muran horleh. Qodobkii ay Gudiga Farsamada kasoo Diyaariyeen Xal u helida Gobolka Gedo ayuu Madaxweynuhu wax ka badalay.

Maalmahaanba Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka Gedo waxay wareejinayeen inuu Xaaraan yahay Qodobka ku saabsan Gobolka Gedo ee aysoo jeedoyeen Gudigii Farsamada ee Baydhabo ku shiray.

Waxaa Hada docda Wadajadalo Hawada ah (Teleefoon) Oo xal lagu raadinayo si loo qabto Shirkii ay ku baaqeen Gudiga Farsamada inkastoo wakhtigii loogu talagalay uu ka baaqday.

Puntlanfi.com Muqdisho

<