Breaking News— Madaxda Mucaaradka oo socod kusoo maray Daljirka Dahsoon, degayna Hotel Naaso Hablood

Xasan Sheikh, Shariif Sheikh Axmed, Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur , Dhuxulow, Shariif Xasan, Daahir Maxamuud Geele iyo Masuuliyiin kale oo Mucaaradka ka tirsan ayaa socod kusoo maray Daljirka Dahsoon oo ah goobta beri lagu balansan yahay.

Ciidamadii Dowlada Federaalka ee Hotel Naasahablood joogay ayaa isaga baxay, waxaana Hotelka soo gaaray Masuuliyiintaan aan kor ku xusnay.

Waxaa hada la sugayaa inay shir jaraa’id halkaas kunqabtaan.

Sawiradaan hoose waa Socodkii ay Hotelka kuso galeen, waxaa xusid mudan in Amaanka Masuuliyiinta si weyn loo sugay.

Puntlandi.com Muqdisho

<