Madaxweynihii hore Farmaajo oo Muqdisho ka baxaya si uu ugu gooyo Mudaharaadka jamcada

Warar waxaa jira soo baxaya oo sheegaya in Madaxweynaha Xilka sii haya uu qorshaynayo inuu Muqdisho isaga baxo si uu jamacada uga fogaado Mudaharaadka ay soo qabanqaabiyeen Musharixiintu.

Gudiyada Farsamada ee ku shirsanaa Baydhabo ayaa cadaadis lagu saaray inay mudeeyaan Shirka Madaxda Dalka si Madaxweynuhu uu marmarsiiyo u helo inuu baneeyo Villa Soomaaliya maalinka Jamcada, waxaa kaloo Gudiyada Cadaadis lagu saaray inaysan Muqdisho ka dhigin goobta uu shirku ka dhacayo, waxaa loo badinayaa in Madaxda Soomaaliya ay isugu taagan Baydhabo.

Laakiin Puntland iyo Jubbaland oo fahansan sababta loosoo dedejinayo Shirka ayaa durba sheegay inaysan diyaar ahayn ilaa Axada, waxayna dalbadeen in Shirka lagu qabto Muqdisho maalinka Isniinta.

Dhanka kale Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowlada ayaa la faray inay dhaqaalahoodu ku khasbaan inay Guryaha joogaan Ilaa Axada iyadoo loo daliilsanayo Cudurka Covid19 Laakiin waxaa la xaqiijiyey in Xukuumadu ay Covid19 ka badbadinayso si ay ugu adeegsato Ka hortaga Mudaharaadka.

Puntlandi.com

<