Kulankii Maanta dhexmaray Murashixiinta iyo Wadamada Daneeya Soomaaliya oo u muuqdey mid isfah buuxa ah

Maanta waxaa khadka la iska arko ee online-ka kulan kuwada yeeshay Saaxiibada Soomaaliya ee Xaruntoodu tahay Xalane iyo Nairobi iyo Murashixiinta Madaxweynaha Soomaaliya u tartamaya.

Kulankaan ayaa qayb ka ah Wadashaqaynta Joogtada ah ee ay wada leeyihiin Saamilayda Siyaasada Soomaaliya, waxayna Garabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in Qofwalbaa uu ka shaqeeyo sidii Dalka ah uga dhici lahayd Doorasho loo siman yahay oo Qof walbaa si Xor ah ugu tartamo.

Saaxiibada Soomaaliya iyo Madasha Musharixiintu waxay si Wadajir ah Carabta ugu adkeeyeen baahida loo qabo in la ixtiraamo Heshiiskii 17 septembar ay wadagaareen Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Wadahadalka labada dhinac ayaa gundhigiisu ahaa sida ay Beesha Caalamka uga go’antahay in Dalka ay ka dhacdo Doorasho xalaal iyo Nabadgalyo ah.

Puntlandi.com Muqdisho

<