Doonidii hubka sidey oo la cadeeyay inay ka yimaadeen Casmara kuna jeedeen..

Warar Dublamaasiyadeed iyo Fariin ka timid Qof aad ugu dhow Howlgalka Bada Soomaaliya ee Reer Galbeedku hogaaminayaan ayaa cadeeyay meesha ay kasoo shiraacatay Doonidii siday Hubka ee ay qabteen Ciidamada Bada Maraykanku .

Fariin la isu diray oo SMS ah ayaa lagu sheegey in Doonidubay kasoo Baxdey Casmara ayna kusoo jeedey Muqdisho

waatan Fariintii

Waxaa kaloo la sheegey in Dowlada Federaalku ay ka gaabsadeen inay Faahfaahin ka bixiyaan Doonidaan oo macluumaadkeeda ay usoo gudbiyeen Maraykanku.

Waxaa jira shaki weyn oo ah in Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dadka aadka ugu dhow ay ka warhayaan Cida Doontu u rarayf balse aysan doonayn in la ogaado, waxaa sidaas Puntlandi.com u sheegay Dublamaasi Soomaaliyeed oo ku sugan Muqdisho.

Sida lagasoo xigtay Saraakiil Maraykan ah Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay Sheegeen in laga yaabo in Doontu u rarayd kooxaha Argagixisada ah,

Ugu yaraan 7 Qof oo Doonida Saaraa ayaa baaritaan ku socdaa, waxaana baaraya Ciidamada Bada Maraykanka, warar waxaa jira sheegaya in 7daas Qof lageeyay Saldhiga Ciidamada Maraykanku ku leeyihiin Jabuuti.

Puntlandi.com Mogadishu

<