Dhuusamareeb 5 ma badbaadin doona Magaca iyo Sharafta Dhuusmareeb oo Way ka quusanayaan Farmaajo

Afartii shir ee lagu qabtay Dhuusamareeb waxay ahaayeen kuwo aan haba yaraatee wax guul ah laga gaarin, Waxaana eedaas dusha u ridanaya Madaxweyne Qoorqoor oo u ogolaadey Madaxweyne Farmasjo inuu shirarka fashiliyo.

Dad badan baa isweydiinaya Kolka Shirar lagu qabto Magaalooyinka kale waxaa lagusoo kala tagaa iyadoo gacmaha la is haysto halka Dhuusamareeb uu Nin walbaa u duulo mershuu ka yimidbisagoo afka buuraya.

Waxaa Xusid mudan in Shacabka Reer Galmudig ay kasoo baxaan kaalintooda Marti soornimada laakiin kaalintii Siyaasiyiintoodu ayaad moodaa iney meesha ka maqan tahay.

Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu mar kale dalbadey in Dhuusamareeb la isugu tago (Dhuusamareeb 5) waa sida ay xogta ku hayaan Howlwadeenada Puntlandi.com, oo Saaxiibkiis Axmed Qoorqoor loo martiyo mar kale , Laba mid Bay noqonaysaa

  • In Dhuusamareeb ay noqoto mid kamida Magaalooyinka Sharfan ee lagu xaliyo xurgufaha Siyaasada, Waa hadii Dhuusamareeb 5 uu guul kusoo dhamaado
  • Ama iney noqoto Luuq uu Madaxweyne Farmaajo Shirararka u geysto si u u hirgalo hamigiisa ah inuu Villa Soomaaliya sii joogo, Ileyn marwalboo Natiijo la’aan lagu kala tago ,wuxuu halkaas ka helayaa ugu yaraan Bil ugu darsanta Xili mudeedkiisa dhamaadey.

Waxaa laguwadaa in maalmaha soo socda ay Madaxweynayaasha Soomaaliya ay markii shanaad isugu taagan Dhuusamareeb, Sida aan xogta ku heyno Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey wuxuu Dhuusamareeb uu gaarayaa Beri oo khamiis ah.

Puntlandi.com Gaalkacyo

<