Daawo : – Afhayeenka Musharixiinta “ Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa ka Masuula wixii dhib ah ee ka yimaada Mudaharaadka Jamcada”

Kadib kulan ay maanta yeesheen Musharixiintu ayaa waxaa Saxaafada la hadley Afhayeenka Mudharixiinta Daahir Geele oo isla markaasna ah Musharax Madaxweyne.

Afhayeenku wuxuu sheegey in Mudahaardka ay kasoo dhaqeeyeen inuu si nabadgalyo leh uu u dhaco balse ay jirto cabsi laga qabo in la carqaladeeyo, wuxuu raaciyey in wixii ka yimaada uu Masuul ka yahay Madaxweynaha Xilku ka dhamaadey.

Waxaa hadaladiisa ka mid ahaa

  • “Waxa Mudaharaadaya waa Dadkii Xuluumadi gaadi jirtay, waa Dadkii Dadka laga dilay Laakiin aan Dil u socon, oo Doorasho u socda, oo Mudaharaad u socda.”

Daahir Geele wuxuu intaas raaciyey

  • “Madaxweynaha Xilku ka dhamaadey waa inuu badanaa caadadiisii hore, Ciidamadii Qaranka ee uu Dadka ku gaadi jirayna uusan Dadka ku gaarin, Dimoqoraadiyadii uu la dagaali jiray inuu ogolaado,”

Hadalka Daahir Geele ayaa u muuqda hayaan Xogo ku saabsan inay jiraan Abaabul loogasoo horjeedo ama lagu carqaladeynayo Mudaharaadka.

Goor Halkan ka fiirso hadalka Musharax Daahir Gelleh.

Puntlandi.com

Muqdisho

<