Puntland oo ka tacsiyesay Geerida Siyaasi Yuusuf Xaaji

Senetor Yuusuf Xaaji oo ka tirsanaa Senetorada Dalka Kenya ayaa maanta ku geeriyoodey Dalkaas, Dowlada Puntland ayaa ka tacsiyaysay Geerida Marxuumka.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada ayaa looga tacsiyeeyey Geerida Marxuumka, Yusuf Xaaji wuxuu ahaa Oday Soomaaliyeed oo laga yaqaan gayiga Soomaalida, wuxuu caan ku ahaa Wasaarada Gaashaandhiga Dalka Kenya oo uu Wasiir ka ahaa , Siyaasada Dalka Kenya wuxuu ka gaaray Darajooyin Sare isagoo Sanadkii u dambeeyay Senetor ahaa.

Wuxuu Marxuumku qayb weyn kasoo qaatay Dadaalada Nabadeed ee Soomaaliya iyo Soo dhaweynta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku nool.

Kasokow inuu ahaa Siyaasi Reer Kenya ah wuxuu kaloo ahaa Oday Soomaaliyeed oo Nabada jecel.

Illaahay ha u naxariisto Marxuumka Caruurtiisa iyo Xaaskiisa Samir iyo Iimaan Illaahay haka siiyo, Aaamiin Aaaamiin

waakan Qoraalkii Puntland

<