Ergayga Gaarka ah James Swan oo Xaalada Dalka kala hadlay Wasiirada Arimaha Dibada Jabuuti, Kenya, Itoobiya iyo Ugandha

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo tan iyo todobaadkii lasoo dhaafay aad ugu mashquulsanaa Sidii Soomaaliya ay Doorasho uga dhici lahayd ayaa wadatashi u doontay Dalalka ah Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

James Swan Wuxuu khadka talerfoonka kula hadlay Wasiirada Arimaha Dibada ee Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Ugandha, waxayna ka wada hadleen Xaalada Soomaaliya ay wajahday 8 bishaan Feberaayo.

Ergeyga Gaarka ah James Swan wuxuu warbixin ku saabsan halka Xaal marayo uu siiyay Wasiirada, waxayna si qodo dheer uga wada hadleen Sida xal lagu gaari karo,

Warar Dublamaasiyadeed ayaa sheegaya in Marka laga reebo Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya ay inta kale Wasiirada iyo Ergeyga Gaarka ah ay isla Garteen iney qayb ka qaataan Xalinta Muranka Siyaasada Soomaaliya iyadoo loo marayo dhamaan Saamilayda Siyaasada.

Wararku waxay Sheegayaan in Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya uu soo jeediyay in Itoobiya loo xilsaaro Xalinta Muranka Doorashada Soomaaliya oo ayna iyagu (Itoobiya) ay gacan ka geystaan in miis la isugu yimaado.

Waxay u muuqataa in Wadamada Darisku ay ku kala qaybsan yihiin Arimaha Soomaaliya laakiin Qaramada Midoobay , Kenya, Ugandha iyo Jabuuti waxay ka siman yihiin in lasoo dhaweeyo Shirka Muqdisho loo balan sanyahay, Wixii farsamo ah na ay diyaar u yihiin in laga caawiyo si ay si deg deg ah Dalka uga dhacdo Doorasho. Waana talaabada la qaadayo maalmaha soo socda.

Puntlandi.com Nairobi

<