Breaking News—Muran ka taagan halka Muqdisho looga qabanayo Shirka

Inkastoo Madaxweyneha lagu muransan yahay Xilkiisa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu aqbalay Shirkii Madaxweyne Deni ku yaboohay in Muqdisho lagu qabto hadana waxaa caawa soo baxay muran ku aadan halka Muqdisho looga qabanayo Shirka. Shirka asalkiisa waxaa markii hore ku baaqay in Garowe lagu qabto Madaxweyne Farmaajo .

Jubbaland iyo Madaxda Mucaaradku waxay soo jeediyeen in lagu qabto Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ama Hotelada Garoonka u dhow.

Halka Villa Soomaaliya ay ku adkeysanayaan inay iyagu soo qabanqaabiyaan Shirka isla markaasna lagu qabto Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland oo isagu kolkii hore ku baaqay in Shirka lagu qabto Muqdisho wuxuu Isagu taagan yahay in goobta la isku raaco in Muqdisho looga qabto Shirka uu tagayo, Laakiin uu ilaaladiisa Gaarka ah soo kaxaysanayo,

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa aad ugu adkaysanaya in Shirka lagu qabto Garoonka Diyaaradaha,

Beesha Caalamka ayaa ku dadaalaysa in Arintaan deg deg xal looga gaaro, laakiin wali lama xalin ilaa hada .

Wixii kasoo kordha kala soco Puntlandi.com

Puntlandi.com Muqdisho

<