Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa oo la kulmay Madaxweynaha Xilku ka dhamaadey

Gudoomiyaha Maxamed Mursal iyo labadiisa ku Xigeen ayaa Galabta kulan la qaatay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulanka Albaabada ayaa u xirnaa oo lama shaacin waxa ay kawada hadleen Laakiin ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Puntlandi.com u sheegay in kulanku ku saabsanaa in Baarlamaaanku ay dalbadeen in lala Kulmo Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadeen si loo ogaado waxa u qorshaysan maadaama Xilkii ka dhamaadey uuna ku guul daraystay in Dalka ay Doorasho ka dhacdo.

Wali ma cada Mowqifka Madaxweynaha, Waxaa lagu eedeynayaa Mudane Farmaajo inuu diidan yahay inuu aqbalo in Xilkii ka dhamaadey isla markaasna uu ku guul daraystay inuu Dalka gaarsiiyo Doorasho heshiis lagu yahay.

Puntlandi.com Muqdisho

<