Golaha Amaanka ee QM oo ka shiraya Xaalada Soomaaliya, James Swan oo awood dheeriya lasiin doono

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan deg dega isaga imaanaya Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya, kulankaasoo lagu wado inay ka soo baxaan Qodobo muujinaya kaalinta Beesha Caalamku ku yeelan doonto socod siinta Hanaanka Doorashada.

Mucaaradka ayaa shalay baaq u diray Bersha Caalamka barqadii ku aadanaa in Bersha Caalamku ka qaybqaadato sidii Dalka ay uga dhici lahayd Doorasho.

Dowlada Ingiriiska ayaa Golaha Amaanka ka dalbatay inbwax laga badalo Kharaarkaan Golaha Amaanka ee ku aadan Soomaaliya sibgacan looga siiyo dejinta Siyaasada Dalka.

Sida ay qiyaasayaan Siyaasiyiin tuugcadaa ah Marka Xaaladaan oo kale ay ka shirayaan Qaramada Midoobay waxay Awood dheeraada siinaysaa Ergayga Gaarka ah ee Waramada Midoobey.

Kulankaan waxaa soo dedejiyay Baaqa kasoo yeeray Saamilayda Siyaasada iyo Kulankii Shalay loo diiday Raysal wasaaraha inuu la kulmo Baarlamaanka tasoo muujisay in Xildhibaanada intooda Badan ay aaminsan yihiin in Madaxweyne Farmaajo uu ku fashilmay inuu Dalka gaarsiiyo Doorasho.

Kala soco Puntlandi.com wixii kasoo baxa kulanka Qaramada Midoobay.

<