Madaxweyne Axmed Madoobe dib ayuu ugusoo laabtay Kismaayo

Madaxweymaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dib ugusoo laabtay Kismaayo kadib Safar shaqo oo uu ku joogay Caasimada Galmudug Dhuusamareeb, Masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee Jubbaland ayaana Garoonka uga hortagay oo soo dhaweeyey.

Axmed Madoobe wuxuu horay u dhaliilay Madaxweyne Farmaajo oo uu ku tilmaamey Inuusan ahayn Ninka Dalka maamulayay Afartii sano ee lasoo dhaafay, wuxuu kaloo maslmo ka hor uu sheegay Inuu waxyaabo badan ka hadli doono kolkuu Kismaayo ku laabto.

Waxaa lasugayaa in Madaxweyne Axmed Madoobe uu Saxaafada la hadlo uuna ka hadlo Xaalada Siyaasadeed ee Dalka.

Puntlandi.com Kismaayo

<