Breaking News— Puntland, Jubbaland iyo Madasha Musharixiinta oo Beesha Caalamku u sheegay inuusan Mdx.Farmaajo qayb ka noqon karin nooc walba oo Wadahadal ah

Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com heleen, PL,JL iyo Madasha Musharixiinta ayaa siyaabo kala duwan waxay Beesha Caalamka ugu gudbiyeen Qoraalo ay ugu sheegayaan in Wixii ka dambeeya Maanta uu Maxamed Cabdullahi Farmaajo aan lagala hadli karin Masiirka Soomaaliya.

Qoraalka waxaa lagu wargaliyey Beesha Caalamka in Madaxweyne Farmaajo uu Wakhtigiisu ku ekaa maanta oo isniin ah, Isla markaasna uu hada yahay Madaxweyne hore. Waxay raaciyeen in uu Masuul ka yahay fashilka Doorashada walina uu khatar ku yahay in horay loo socdo.

Waxay kaloo Sheegeen in aan xitaa lagala xaajoon karin Deeqaha iyo Xiriirada Dublamaasiyadeed.

Arintaan ayaa muujinaysa in meel Fog lakala gaaray Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdaan oo iyagu hada ah Ssamilayda Sharciga ah.

Puntlandi.com Garowe

<