Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Siyaasadeed ee Dalka

Sawirkaan waa 8 Feb.2017 Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey Xasan Sheikh oo diyaar u ah inuu Xilka u tiriyo Madaxweynaha la doortay Farmaajo

Wali waxaa Dhuusamareeb ku sugan Madaxda Maamul Goboleedyada halka Madaxweyne Farmaajo oo Wakhtigiisa ay Saacado ka harsan yihiin aan la garanayn waxa u Qorshe ah, wuxuuna ku sugan yahay Villa Soomaaliya.

Dhuusamareeb waxaa Xalay la isla gartay in lasii wado wadahadalka, kadib wadatashi lala sameeyay Labada Gudoomiye ee Baarlamaanka, Musharixiinta iyo Beesha Caalamka.

Sida Puntlandi.com ay Xogta ku hayaan Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu la kulmayaa Masuuliyiinta Beesha Caalamka, waxayna u badan tahay inuu kulankaas ka dhaco Xalane.

Muqdisho waxaa maanta ku kulmaya Madasha Musharixiinta oo iyaguna ka hadli doona Xaalada Dalku wajahayo beri oo ah maalinta kowaad ee Xilku ka dhamaadey Madaxweyne Farmaajo.

Labada Gudoomiye Baarlamaan ayaa iyana la sheegayaa iney qaban qaabinayaan kulan ay kula hadlayaan labada Gole Shacab, Si ay uga hadlaan qaab Dastuureedka Meesha Cagta la saarayo 8 Feberaayo.

Dadka aadka uga faalooda Siyaasada Madaxweyne Farmaajo waxay isku raaceen in Madaxweynaha qudhiisu uusan garanayn meesha loo dhaqaaqay beri oo isniin ah oo Muda xileedkiisu dhamaadey.

Siyaasiyiin Ruug cadaa ah ayaa soo jeediyey in Madaxweyne Kumeelgaar ah uu noqdo Gudoomiyqha Baarlamaank Maxamed Mursal si Dalku u aado Doorasho dhab ah.

Madaxweynaha Dowlada Federaalku wuxuu shalay kasoo duulay Dhuusamareeb xili Shirkii halkaas ka socdey uu fashilmay, kadibna wuxuu la hadlay Golaha Shacabka, wuxuuna Madaxweynuhu muujiyey in lagu guul daraystay in Dalka laga qabto Doorasho.

Puntlandi.com Gaalkacyo

<