Xildhibaan Xasan Firimbi “ Kulanka maanta waxaa jooga dhowr Senetar iyagana in la saaro Ayaan dalbanayaa”

Xildhibaan Xasan Firimbi oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka hoose oo iminka ku sugan Villa Hargeysa oo kulanka Baarlamaanku uu ka dhacayo maanta ayaa dheegay in Saxaafada banaanka loo saaray tasoo uu ku tilmaamay mid aysan aqbalayn.

Xasan Firimbi wuxuu sheegay in ay Gudaha Hoolka ay ku sugan yihiin Xubno kamida Aqalka Sare kuwasoo ah oo qura Taageerayaasha Madaxweynaha, wuxuuna tilmaamay in kulanka aysan qayb ka noqon karin maadaama Aqalka Sare uu diiday ka qaybgalka kulanka , wuxuu yiri…

  • “Waxaan Dalbanaynaa in Hoolka laga saaro Senetarada Aqalka Sare, Xildhibaanada Aqalka Hoose oo qura ayaa Shirkaan isugu imaan kara”

Xildhibaanku wuxuu kaloo sheegay in Hoolka ay soo buux dhaafsheen Askar dhar cad ah, kuwaasna in Hoolka laga saaro Ayaan dalbanaynaa ayuu yiri, wuxuu kaloo raaciyey in Saxaafada loo diiday laakiin Waxaan ka shaqaynaynaa buu raaciyey inay Saxaafadu soo gasho Gudaha hoolka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hada la sugayaa inuu goordhow soo gaaro Hoolka waxaana jira cabsi laga qabo in Buuq uu ka dhashay kulanka.

Kala soco Puntlandi.com wixii soo kordha

Puntlandi.com Villa Hargeysa

<