Madaxweyne Farmaajo “ Heshiiskii 17 Sep. Saciid Deni baa gacantiisa ku qortay inta kalena waa Daawanaysay”

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta la hadlay Aqalka hoose ee Baarlamaanka ayaa sheegey in Uu isagu waxwalba ogol yahay oo uu maalin walba tanaasulo.

Madaxweynuhu wuxuu sheegey in Heshiiskii 17 Sebtembar ee Muqdisho uu Madaxwrunaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni uu isagu gacantiisa ku Qortay Inta kale Madaxweynayaashuna ay Daawanayeen.

Jubbaland, Puntland iyo Xisbiyada Mucaaradku waxay horey Madaxweynaha ugu eedeeyeen inuu isagu jabiyey Heshiiskaas markuu u Magacaabay Gudiga Doorashada Xubno ka mida Shaqaalihii Xafiiskiisa iyo Ciidamada Sirdoonka,

Heshiiska waxaa kamid ahaa in Maamul Goboleedyadu maamulaan Doorashooyinka oo laba Magaalo lagu qabto, Madaxweynuhu wuxuu Heshiiskii kadib faragaliyey Jubbaland wuxuuna sheegey in uunisagu maamulayo Qayb kamid ah Jubbaland.

Labadaas qodob ayaa ugu weyn waxyaabaha hortaagan Heshiiskii 17sebtembar. 

Madaxweyne Saciid Deni wali kama jawaabin Eedeynta Madaxweynuhu usoo jeediyey ee ah inuu isagu gacantiisa kusoo xariiqxariiqdey Heshiiskii 17 Sebtembar halka Madaxweynayaasha kalena ay Daawanayeen.

Puntlandi.com

<