Gudoomiyaha Aqalka Sare oo ka digay in Xeer hoosaadka lagu xadgudba tasoo keenaysa Xasaanada oo lala lumiyo

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa ku hanjabay in Senetarada ku xadgudba Xeer hoosaadka ay khatar u yihiin inay limousine Xasaanadooda.

Gudoomiye Xaashi wuxuu sheegay in Aqalka Sare uu ku wargalisay Senetarada in uusan jirin Shir Wadajir ah oo labada Aqal yeelanayaan, iyadoo la raacayo Dastuurka ayaana Go’aankaas la qaatay.

Wuxuu ka digay in lagu xadgudba Dastuurka lagana qaybqaato falal Sharciga aan waafaqsanayn tasoo sababi karta luminta xasaaniyada Senetorku leeyahay.

Gudoomiyaha Aqalka hoose Maxamed Mursal ayaa iclaamiyey kulan Wadajir ay labada Aqal ula yeelanayaan Madaxweynaha, halka Gudoomiyaha Aqalka sarena uu shaaciyey inuusan jirin kulan wadajir ah.

Dastuuriyab Gudoomiyaha Aqalka hoose awood Malaga inuu kaligiis isugu yeero labada Aqal. Senetorada waxaa shir isugu keeni kara oo qura Gudoonka Aqalka Sare, waxaana jira Xeer hoosaadka qeexaya.

Puntlandi.com Muqdisho

<