Deg deg.. Gudoomiye Mursal oo sheegay in aysan maanta halakaan u imaan Mudo loo kordhinayo Madaxweynaha

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo furay kuslan uu Madaxweyne Farmaajo ka dalbadey Baarlamaanka ayaa sheegay in ujeedada kulanka aysan ahayn Mudo kordhin.

Gudoomiyuhu wuxuu yiri…

  • Halkaan looma fadhiya Mudo kororsi wax la yiraahdo, Waxaan isugu nimid inagoo tixgalinayna Qodobka 90aad oo oranaya in Madaxweynuhu uu dalban karo inuu la kulmo Xildhibaanada, Madaxweynaha ayaa dalbadey kulankaan, Isagana sugaynaa.

Dadka aadka iga faalooda Siyaasada Iyo Habdhaqanka Baarlamaanka Soomaaliya, waxay sheegayaan in uu jiro ajande qarsoon oo Gudoomiyihu wax ka ogyahay, waxayna u badanntahaynin hadalka Gudoomiyaha uu yahay mid uu isaga fogaynayo laakiin uu wax ka ogyahay, hadii maanta lagu dhawaaqo mudo kordhin ku salaysan cod buuqa oo la qaado.

Madaxweynaha ayaa goordhow bilaabaya Khudbadiisa.

Puntlandi.com Villa Hargeysa

<