Breaking News— 8 Senetor oo banaanka looga saaray Villa Hargeysa

Senetorada isku dayay inay ka qayb kulanka Baarlamaanka ee maanta ka dhacaya Villa Hargeysa ayaa banaanka looga saaray Hoolka lagu shirsan yahay.

Gudoomiha Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in Senetarada Aqalka Sare aysan qayb ka ahayn kulanka sidaas awgeed ay banaanka u baxaan.

Senetarada oo gaaraya 8 ayaa diidey inay baxaan balse markii dambe Ciidanka ayaa banaanka u saaray.

Sanetaradaan oo ah kuwo taageersan Madaxweynaha ayaa la sheegay inay banaanka ku sugayaan Madaxweynaha si dib loogu celiyo Hoolka Shirka.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa saaka shaaciyey in Senetarada ka qayb gala kulankaas ay jabinayaan Xeer hoosaadka Aqalka Sare ayna khatar u yihiin in ay waayaan Xasaaniayada, Aqalka Sare shalay ayuu Senetarada ku wargaliyey inuusan jirin kulan wada jir ah oo ay ka wada qaybgalayaan labada aqal,

Puntlandi.com Villa Hargeysa

<