Beesha Caalamka oo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho u fariistay Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo kolkuu maanta kasoo degay Garoonka Diyaaradaha waxaa leexsadey oo Garoonka ku sugayay Xubno ka socda Beesha Caalamka kuwasoo aad ugu xun in la iska dhaga tiray baaqoodii ahaa inaan Dhuusamareeb lagu soo kala tagin ilaa heshiis Doorasho laga gaarayo.

Wax wara oo rasmi ah lagama hayo kulanka u socda Madaxweyanaha iyo Safiirada laakiin Warar Dublamaasiyadeed ee Puntlandi.com helay waxay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo looga digay mudo kordhin , waxaana lagula taliyey inuu mar kale miiska la soo fariisto Saamilayda si xal waarana la raadiyo,

Madaxweyne Farmaajo wuxuu u sheegay inuu Baarlamaanka uga warbixinaya halka waxmarayaan iyo sababaha keenay in la isku afgaran waayo Dhuusamareeb laakiin uusan u socon ama waydiisanayn Mudo kotdhin, sida suuqa ku jirta.

Safiirada Reer Yurub ayaa lagusoo waramayaa inay aad uga caraysan yihiin in Shirkii Dhuusamareeb uu burburo waxayna Madaxweynaha ku eedeeyeen inuu ka cararayo inuu Qaato Masuuliyadaas.

Baarlamaanka Federaalka ayaa iminka sugaya Madaxweynaha, waxaana laga cabdi qabaa in Buuq uu halkaas ka dhaco buuqaasoo looga faa’iidaysanayo In Xukuumada loogu daro Mudo, qaab kamida kii 7 daqiiqo ee lagu ridey Raysal wasaare Kheyre.

Mucaaradka ayaa iyana shir deg deg ah yeelanaya balse waxay sugayaan meesha Baarlamaanku u dhawaaqo.

Wararka rasmiga ah ee Xaalada Muqdisho kala soco Puntlandi.com oo si hoose uguvraad jooga wararka rasmiga ah.

Puntlandi.com Aaden Cade International

<