Midowga Musharixiinta “ 8 Febaraayo waxaa looga gudbi karaa oo qura iyadoo heshiis laga gaaro Shirka Dhuusamareeb

Warsaxaafadeed kasoo baxay kulan ay yeesheen Masuuliyiinta ku mideysan Madasha Musharixiinta ayaa lagu sheegey qaabka kaliya ee looga gudbi karo markuu dhamaado Mudo Xileedka Xukuumada.

Goluhu waxay kawada xasjoodeen Waxa dhici kara hadii Xukuumada Wakhtigu ka dhamaado xiligaan la joogo waxayna soo jeedoyeen in Xaalku uu yahay oo qura in Heshiis Doorasho laga gaaro Shirka Dhuusamareeb ka socda.

Goluhu waxay sheegeen in Madaxweyne Farmasjo uu shaqada sii wadi karo oo qura haduu heshiis la gaaro Puntland iyo Jubbaland.

Inkastoo ay goluhu sheegeen iney ka walwalsan yihiin Amaanka Dalka hadana marayaan sheegin talaabada la qaadayo hadii aan lagu heshiin Shirka Dhuusamareeb.

Hoos ka Akhriso Warsaxaafadeedka Golaha Musharixiinta

<