Madaxweyne Farmaajo, inta badan waa ogolaadey Qodobadii, Ma Beesha Caalamka u hanjabtay Mise sidiisii buu kolkuu kusoo laabto Muqdisho uu burinayaa Heshiiska

Sida Wararka hoose ay ku hayaan Howlwadeenada Warbaahinta Puntlandi.com Madaxweyne Farmaajo aad ayuu ugusoo dhowaadey Deni iyo Axmed Madoobe, Qodobada intoodabadana Wuu aqbalay, sidii la doono haloogu qoro Warmurtiyeedkee.

Gobolka Gedo Madaxweynuhu wuxuu aqbalay in loo celiyo Axmed Madoobe, walow uu daba dhigay dhowr sharuudood, oo Dad lagu qancinayo.

Meeqaamka Gobolka Banaadir waxaa la isla gartay in Doorashada kadib laga wadahadlo maadaama uu qodob Dastuuri ah uu yahay, halkaasna Qodobo daba socda ayaa la sameeyay , waxay isugu Biyo shubanaysaa in dib loo dhigo ka hadalka Meeqaamka Muqdisho oo loo talaabsado Qodobada Muhiimka u ah gundhiga bilowga doorashada, waa sida Xalay la isla hartay

Qodobada kale iyana Madaxweyne Farmaaj madaxaayuu u ruxay oo wayahay ayuu yiri.

Marka dabacsanaanta Madaxweyne Farmaajo uu tan iyo Xalay muujiyay waxay abuuraysaa shaki weyn, Reer Barigu waxay dhamaan “Boowe Nin aan taqaanid yaatahay Lama yiraahdo”.

Madaxweyne Farmaajo afartii sano ee lasoo dhaafay waxaa lagu bartay in Kulamada xasaasiga ah uu waxwalba aqbalo maalmo kadibna uu dafiro waxwalba oo uu saxiixay.

Heshiiska deg dega ah ee uu Dhuusamareeb ku aqbalay waxay u muuqdaan laba midkood.

  • In Beesha Caalamku ay u hanjabeen Madaxweynaha, oo aan ogayn inay hadalo kulul Hawada usoo marinayeen maalmihii lasoo dhaafay, Sidaasna heshiisku ku hirgalo
  • iyo in Madaxweyne Farmaajo uu yahay Madaxweyneheenii aan wada garanayno, Oo uu isbadalo kolkuu yimaado Villada. Madaxweynuhu haduu yahay kaan wada naqiin, wax badan ayaa u qorsoon, haba u horayso riyada ah inuu Dalka hogaaminayo 20-ka sono ee soo socetee, iminkana Soomaaliya aysan joojin cid isaga dhaanta oo Dalka lagu aamini karo.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu kaloo qorshaynayaa in Heshiiska Dhuusamareeb uu horgeeyo labada Aqal si ay u meel mariyaan, waana tan lagu yaqaan Madaxweynaha markuu wax kale damacsan yahay, Waxaa kaloo horay loo yiri “ Sagaaro sow ima barato”.

Puntlandi.com Dhuusamareeb

<