Breaking News : – International partners again call on all of Somalia’s leaders to find consensus on electoral implementation as an urgent matter of national interest.

For immediate release

JOINT PRESS STATEMENT

International Partners Welcome Meeting Underway in Dhusamareb

Mogadishu, 4 February 2021 – International partners* welcome the meeting among President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo and Federal Member State leaders now underway in Dhusamareb. It is crucial that all participants engage constructively to agree on the implementation of a national electoral process that respects the 17 September model.

We underscore that any alternative outcomes, including a parallel process or partial elections, or other measures short of an agreed electoral process, would be a setback that would not obtain the support of partners. We therefore call upon all political leaders to prioritise finding a way forward without further delay.

International partners again call on all of Somalia’s leaders to find consensus on electoral implementation as an urgent matter of national interest.

  • African Union Mission in Somalia (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Egypt, Ethiopia, European Union (EU), Finland, France, Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Ireland, Italy, Japan, League of Arab States (LAS), Netherlands, Norway, Sudan, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, and the United Nations.

Faafin degdeg ah

WAR-SAXAAFADEED WADAJIR AH

Saaxiibada Beesha Caalamka oo soo Dhoweeyay Kulanka ka Socda Dhuusamareeb

Muqdisho, 4 Febraayo 2021 – Saaxiibada Beesha Caalamku* waxay soo dhoweynayaan kulanka dhexmaraya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka oo hadda ka socda magaalada Dhuusomareeb. Waxaa muhiim ah in dhammaan ka qaybgalayaashu ay si wax ku ool ah uga qaybqaataan si loogu heshiiyo hirgelinta hanaanka doorashooyinka qaran heshiiskaasoo dhowraya qaabka doorasho ee heshiiskii 17kii Sebtember.

Waxaan hoosta ka xariiqeynaa in natiijooyin kasta oo beddel ka ah kii lagu heshiiyay, oo ay ka midyihiin geeddi-socod kale oo kan barbar socda ama doorashooyin qayb ah oo aan loo dhammayn, ama tallaabooyin kale oo aan ahayn hanaanka doorashooyinka lagu heshiiyey, ay noqon doonaan dib-u-dhac aan heli doonin taageerada saaxiibada caalamka. Sidaa darteed, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan madaxda siyaasadda inay mudnaanta siiyaan sidii lagu heli lahaan hab horay loogu socdo iyadoo jirin dib u dhac dheeraad ah.

Saaxiibada beesha caalamku waxay mar kale ugu baaqayaan dhammaan madaxda Soomaaliya inay heshiis wadar ogol ah oo la isku raacsan yahay ka gaaraan hirgelinta doorashooyinka si deg deg ah oo oo ah arrin ay danta qaranku ku jirto.

  • Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.
<